Aktarka Caanka Ah Ee Shah Ruh Khan Oo Looga Yeedhay Maxkamada Sare Ee India.

Fadeexado ka dhashay Mac-hadka Qorsheynta iyo maamulka ee magaalada Delhi(IIPM  ayaa qoorta ugu maran Jilaaga Caanka Ah ee Sharuh Khan, kadib markii ay dcwad machadkan ka gudbiyeen laba wiil oo Dambi baadhista gobolka Calcutta ee CBI u sheegay in machadkan uu yahay mid been abuur ah oo aan tayo waxbarsho lahayn ayna kaga qasaartay labadaas wiil lacag dhan 46 kun oo doolar.

Shah Ruh Khan oo markii hore beeniyay inuu xidhiidh la leeyahay machadkan ayaa Maxkamadda sare Calcutta ay ku amartay inuu mudo laba todobaad ah gudahood ku soo diiwaan galiyo warqad dhaar ah oo uu ku cadaynayo in machadkan aaanu xidhiidh la lahayn.

Sharuh Khan ayaa ku doodaya in uu ka muuqday xayaysiis ganacsi oo uu machadku leeyahay balse aanu wax xidhiidh ah ku lahayn.

Sidoo kale Aktarkan caanka ah ayaa waxa dhaartaas ku wehelin doona milkiilaha Mac-hadka Qorsheynta iyo maamulka ee magaalada Delhi(IIPM) oo isagana laga rabo inuu ku dhaarto in uusan aktarkan wax xidhiidh ah ka dhaxayn.