Aktar Caan ah Oo Lagu Tooriyeeyay Masrax Uu Qudbad ka Jeedinayay.

Jilaaga iyo filim soo saaraha u dhashay Hong Kong ee lagu magacaabo Simon Yam ayaa toorri lala dhacay isagoo masrax kula hadlaya dadweyne ka qeyb galayay xafladda fulitaanka ganacsi cusub oo laga hirgaliyay magaalada Zhongshan, ee dalka Shiinaha.

Muuqaal lagu shaaciyay barta xiriirka bulshada ee Twitter-ka ayaa muujiyay nin deg deg usoo fuulay masraxa kaddibna weerar mindi ah ku qaaday Xiddigan caanka ah,iyadoo muuqaalkaasi laga arkayay Agtarka oo caloosha ku heysta gacmaha, isagoo codsanaya in isbitaal loola cararo.

Hase yeeshee, maamulaha Jilaaga 64 jirka ah ayaa sheegay in dhaawacyada soo gaaray aysan ahayn kuwo naftiisa khatar galinaya, isla markiina la dhigay isbitaalka, isagoo arimahaasi ugu waramaya wargays kazoo baxa Shiinaha uu yidhi;

“Waxaa toorrida dhowr jeer looga dhuftay caloosha iyo garabka, balse marna ma uusan miyir beelin”, maamulaha ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ay muujinayeen in dhaawacyada soo gaaray aysan ahayn kuwo halis ah balse dhakhaatiirtu waxaysan wali go’aan ka gaarin inay qalliin ku sameeyaan iyo inkale.

Ciidamada booliska ee ilaalada ka hayay goobta uu falku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigeen ninkii weerarkan gaystay, iyagoo sheegay inay xabsiga u taxaabeen,balse  Ilaa iyo hadda ay cadaynin sababta weerarka loogu qaaday jilaaga.

Atoorahan ayaa xirfaddiisa jilista filimada billaabay kaddib markii uu in muddo ah kasoo muuqday goobha dharka lagu xayeysiiya, isagoo markii denbe jilay filimo laga daba dhacay oo ku baxay luqadda Shiineyska.

Ugu dambeyn Agtarkan ayaa ku biiray shirkadda ugu weyn dhinaca filimada ee Hollywood sanadkii 2003-dii, isagoo filimkiisii ugu horreeyay ee uu Hollywoodka ku daahfuray uu ahaa Lara Croft.

BBC

Leave a Reply