Akhriso:-Taariikh Nololeedkii Iyo Doorkii Siyaasadeed Ee AHUN Eng Yariisoow.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Alle ha u naxariisteen Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxaa uu siyaasada dalka ku soo jiray si toos ah laga soo bilaabo 2006dii, waxaana uu ku noolaa waqtigaa magaalada London ee dalka Britain.

Ku dhawaad 13 sanadood oo toos ah ayuu siyaasadda iyo dowladdihii dalka isaga danbeeyay siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay, isaga oo soo qabtay xilalka, Labo Wasiir, Afhayeenkii madaxtooyada Soomaaliya iyo La taliye sare oo dhinaca warbaahinta.

Maanta ayuu ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo loo qaaday Khamiistii toddobaadkii hore kaddib markii uu dhaawac culus soo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana weerarkaa ku dhintay saddex guddoomiye degmo, saddex Agaasime iyo waliba la taliye sare oo dhinaca sharciga.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Benaadir 16kii August 1965kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose,dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey jaamacadda Gaheyr ,kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii.

Markii uu jaamacadda dhammeeyay illaa sannadkii wuxuu ka shaqeeyay Wasaaraddii howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasaaraddii Maaliyadda oo uu u ahaa Injineer iyo maamule mashaariic.

Shaqooyinkii uu soo qabtay

Dowlada Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003

Intii uu London ku sugnaa, Eng. Yariisow wuxuu bartay maareynta ganacsiga, culuumta kumbuutarada iyo maamulka iyo maareynta guriyeynta oo 2004 uu shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda Westminster.

Wuxuu London ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester.

Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008.

Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMGka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012

20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Dadka sida dhaw ula shaqeeyay Yariisoow ee aqoonta wanaagsan ulaa waxaa ay ku si sifeeyeen in uu ahaa shaqsi deggan oo kalsoonaan in uu ka shaqeeyo dalka waqti adag, waxaana uu siyaabo kala duwan ula jaanqaaday dowladihii dalka isaga danbeeyay, taasoo muujineysa sida uu ugu wanaagsanaa ku shaqeynta hadba marxalada la joogo ee siyaasadeed.

Leave a Reply