(Akhriso) Nuxurka Khudbad Uu RW Khayre ka Jeediyay Madasha Dooxa.(Sawiro)

Haweenay U Geeriyootay Nabaro Ka Soo Gaadhay Dab La Sudhay Waqti ay Rag Kufsaday Ku Marag Furaysay

Haweenay Hindi ah oo dhawaan dab la qabadsiiyay waqti ay ku sii jeeday Maxkamad ay kaga marag furaysay rag kufsaday ayaa u geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaadhay dabkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato.

Dowrka Ganacsatada

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka.

“Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Isgaariinta Casriga Ah

“Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa.

Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha.

Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha.

Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doontaa gobolka iyo dunidaba intiisa kale.
Saraakiisa Amniga ee Hindiya ayaa sheegtay in haweenaydan oo da’deedu ahayd 23jir ay ku geeriyootay galinkii dambe ee maalintii Jimcihii Cisbital ku yaal caasimada Delhi, kadib markii ay dhaqaatiirtu ku guul daraysatay in ay la tacaasho dhaawacyada dabka oo 90% jidhkeeda gaadhay, wadnahana ka taabtay.

Haweenaydan ayaa la gubay maalintii Khamiistii iyada oo maxkamada ku sii jeeda, waxana uu falkani ka dhacay degaanka Unnao, oo ka tirsan gobolka dhinaca waqooyiga dhaca ee Utter Pradesh.

Booliska ayaa kiiska haweenaydan u xidhay 5 nin oo ay ku jiraan 2 nin oo maxkamada laga diiwaangaliyay laguna tuhunsanaa in haweenaydan ay kufsadeen bishii March 2019.

Gabadh la dhalatay haweenayda dhimatay oo ka gaabsatay magaceeda in la xuso ayaa sheegtay in ay doonayaan in ragga walaasheed kufsaday dil lagu xukumo, waxana ay intan ku dartay in qoyskooda ay ka go’an tahay ayna sii wadayaan in kiiskan ay maxkamadaha geeyaan.

Hindiya waxa isa soo kor u siikacaya dambiyada kufsiga ah, waxana warbixin ay soo saartay dawladu lagu sheegay in sanadkii 2017-kii oo kaliya la diiwaan galiyay 33,658 (sedex iyo sodon kun, lix boqol iyo konton iyo sideed) kiis oo Kufsi ah, taas oo la micno ah in celcelis ahaan ay maalinwalba dhacaan 92 kiis oo Kufsi ah, kuwaas oo lala beegsado, Dumar, Caruur iyo Ragg-ba.

(Visited 1 times, 1 visits today)