Ajinabiga ku Sugan South Africa Oo Cabsi Darteed Magan-galyo U Waydiistay QM.(Sawiro)

Boqolaal qaxooti ah ayaa xarumo ka samaytay afaafka hore ee xafiiska hayada qaxootiga Aduunka ee UNHCR ee yaal magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ka dalbanaya caawimaad, kadib markii ay naftooda la soo carareen, kuna badbaadi waayeen guryahooda.

Qaxootigan ayaa inta badan ku abtirsada dalalka Somalia, Rwanda, Burundi, Democratic Republic of Congo iyo Bangladesh, waxayna ku eedeeyeen xukuumada inay wax ka qaban nacaybka loo hayo dadka ajinabiga ah iyo halista xoogan ee naftooda la soo wajahday bilahan dambe.

“Waa nala soo weeraraa habeen iyo maalin,qof walbana wuu ka aamusanyahay sida anaga qaxooti ahaan la noo caawin lahaa, booliskana kama helno wax caawimaad ah, rajada kaliya ee aan leenahay ayaana ah in aan UN-ta ka helno caawimo” ayay tidhi haweenay lagu magacaabo Anitha Nkozimana oo qaxootigan amni doonka ah u ah afhayeen

Shisheeyaha, oo u badan ee ay dhibaatadu soo gaadhay ayaa ah kuwo u dhashay dalalka Africa, kuwaas oo si toos ah loo bartilmaameedsanayo tan iyo bishii September inta ay bilawday qul-qultooyinka ajinabi nacaybka ah ee ka socda Koonfurta Africa.