Agabka Caafimaadka Covid 19 Oo Maanta Lagu Wareejiyay Maamulka Galmudug.

Waxaa maanta magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug la gaarsiiyay qalab caafimaad oo loogu tala-galay ka hortagga xanuunka COVID-19. Qalabkaas ayaa ka yimid dowladda dhexe.

Maamulka Galmudug oo la wareegay qalabkaan ayaa waxaa guddoonsiiyay mas’uuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka iyo xafiiska ra’uusul wasaaraha Soomaaliya.

Waa maamulkii sadaxaad oo si rasmi ah loo gaarsiiyo agabkaan caafimaad ee ka yimid dowladda Soomaaliya, waxaa horay loo siiyay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu horay u bixiyay ammar ah in Maamul Goboleedyada la geeyo agab caafimaad iyo lacago ay kula dagaallamaan xanuunka COVID-19.