Afhayeen Ciidamada Kenya Oo si Adag U Beeniyay Eedeymo Uga Yimid Somaliya.

War saxaafadeed uu soo saaray Afhayeeka Ciidamada Kenya ayaa lagu beeniyay eedo uga yimid dhinaca Somalia kuwaas oo dalkiisa la xidhiidhiyay ka ganacsiga iyo dhooginta dhuxusha Soomaaliya.

Afhayeen Paul Njuguna, ayaa war saxaafadeedkiisa ku yidhi “Ciidamada KDF ee Somalia ku sugan waxa ay ku hawlan yihiin hirgalinta hawlaha gargaarka iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah”

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Afhayeen Paul Njuguna waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aan la aqbali karin in taariikhda la majara habaabiyo waxanu uu yidhi “Kenya waxa ay ku hawlan tahay kuna hawlanaan doontaa la dagaalanka muqaawamada iyo sidii Somalia xasilooni loogu soo dabaali lahaa, waxwalba oo taariikhdaas mugdi galinaya waa wax aan waxba ka jirin oo aa la aqbali karin”

Ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah ciidamda Amisom ee ku sugan Somalia, waxana ay jawaabtan difaaca ah ee ay maanta bixisay ku soo beegmaysaa waqti ay Somalia ku eedaysay Kenya in ay qayb ka tahay dhoofinta dhuxusha Somalia.

Qaramada Midoobay ayaa hore warbixin ay soo saartay ugu sheegtau in sanadihii la soo dhaafay Somalia laga jaray malaayiin geed oo dhuxul laga shiday, sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ee Somalia ayaa isaguna dhiniciisa sheegay inay ku hawlan yihiin baadhitaanka arintan iyaga oo kaashanaya Booliska caalamiga ah iyo mida ka dhaxeeya wadamada Africa