Afghanistan: Drones-ka Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Dad Beeralay Ah.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afgaanistaan ayaa qirtay in duqeyn dhinaca circa ah ay dileen ugu yaraan 30 qof oo beeraley ah gobolka Nangarhar Khamiistii.

Afayeen u hadlay ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan ayaa xaqiijiya in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku loo qorsheeyay in lagu burburiyo qatar jirtay iyo goobo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalyahanada Ururka IS ee Ciraq iyo Levant (ISIL ama ISIS).

Afayeenka isbahaysiga uu hogaamiyo mareykanka ee Afghanistan, Colonel Sonny Leggett ayaa sheegay in bartilmaameedku uu ahaa ISIL balse ay kala shaqaynayaan masuuliyiinta maxamliga ah in baaritaan lagu sameeyo sababta qaladay iyo bal inuu jiro khasaare labada dhinac ah.”

Sohrab Qaderi, oo xubin ka ah golaha deegaanka ee Nangarhar ayaa sheegay Khamiistii in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu dilay 30 shaqaale ah oo ku sugnaa goob canabka laga beero ugu yaraan 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Difaaca ee Kabul ayaa dhinaceeda xaqiijisay weerarka, balse waxay ka gaabsadeen inay fahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay.