Abiy Oo Madaxda TPLF ku Eedeeyay Masuuliyada Qalaalasihii Itoobiya Ee Qowmiyadaha.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta ka hadlayay baarlamaanka ayaa ku eedeeyay TPLF inay ka dambeeyeen 113 dhacdooyin oo ku saabsan dagaallo u dhexeeyay qowmiyadaha qaar iyo dagaal diimeed ka dhacay dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii si loo wiiqo dowladdiisa.

Abiy ayaa ku anddacooday in boqolkiiba 99 weeraradii duqeymaha ahaa ee la fuliyay Tigray lala beegsaday halkii loogu talagalay isla markaana aysan ka dhalan wax khasaare ah.

Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka gobolkaasi laga helayo maadaama isgaarsiinta ay go’an tahay.