Abiy Oo ka Hadlay Magaalooyin Hor Leh Oo ay Ciidamadiisu ka Qabsadeen TPLF

Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ku sugan furumaha hore ee dagaalka ayaa sheegay in ciidamada Federaalka awood kula wareegeen magaalooyin ay heesteen Kooxsa TPLF.

Abiy ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka taageeraya la wareegeen magaalooyin iyo deegaano katirsan gobolka Amxaarada oo horey u qabsadeen TPLF.

Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamada kusii siqayaan magaalooyin hor leh ay joogaan TPLF, waxa uuna sheegay in ciidamada Federaalka ay jabiyeen xoogaga kasoo horjeeda ee TPLF.

Jabhada TPLF ayaa dhankooda xaqiijiyay in ciidamada federaalka la wareegeen magaalooyin ay horey u heesteen, waxa ayna sheegeen in magaalooyinkaasi uga baxeen xeelad dagaal.