Abiy Axmed Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyey, Xilli Ay Colaadi ka Taagan tahay Gobolka Tigreega.

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiya Axmed ayaa xilka ka qaaday wasiirkii Arimaha dibada, Taliyihii Sirdoonka iyo Taliyihii guud ee Ciidanka Militariga, iyada oo xilalkaas uu u Magacaabay mas’uuliyiin kale.

Abiy Axmed ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisa, Demokan Mekonan waxaa uu u Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoovbiya, halka Madaxweynihii Deegaanka Amxaarada, Temesgen Tiruneh uu u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.

Sidoo kale Abiy Axmed ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya uu u magacaabay, Birhaanu Juli, halka Janeraal Ababaw Tadesse uu isna u magacaabay Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa Taliyaha Ciidamada Booliska Itoobiya waxaa uu u magacaabay, Demelash G. Michae, iyada oo tallaabadaan lagu sheegay mid lagu badbaadinayo dalkaas oo qeybo kamid ah ay dagaalo ka socdaan.