Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Hay’addaha caalamiga ah iyo Puntland oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Shirweynaha u dhexeeya Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo hay’addaha maamulka Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa 4 qodob oo kala ah.
- Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland.
- Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo.
- Xoojinta isku xidhka iyo habka wada shaqayneed ee daneeyayaasha.
- Bilawga dadaalka mustaqbalka ee lagu heshiiyey, si loo hubiyo in jawaab waarta laga bixiyo baahiyaha iyo mudnaanta.
Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa shirka kala qayb-galay Masuuliyiinta Wasaaraddaha ay khusayso shaqadani, waxaana uu shirku kusoo idlaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad.




(Visited 1 times, 1 visits today)