Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Hub Iyo Saraakiil ka Tirsan Alshaab Oo Lagu Qab-qabtay Howlgal ay Ciidamada Danab Iyo Jubbaland ay ka Fuliyeen Janaay.(Sawiro)



Fri 21 September 2018.

Ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo howlgalo ay si wadajir ah ugaga fuliyeen deegaanka Janaay Cabdalla oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay kula wareegeen labo saldhig oo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka lagu diley illaa 18 ka mida ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan, lagana soo furtay hub kala duwan.

Howlgalkan oo la sheegay inuu dhacay maanta oo jimce ah ayaa hubka ay ciidamada dowlada soo furteen waxaa ay isugu jireen lix qori oo AK47 ah iyo labo BKM iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah.

Hase yeeshee ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada maamulka Jubba uu ku sheegtay inay la wareegeen saldhigyo ay ururka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Janaay Cabdalla oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ay sida wadajirka ah u qaadeen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa kumaandoosta ah ee loo yaqaan DANAB ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii Maamul goboleedyada dalka ay ku dhowaaqeen inay xiriirka u jareen dowlada federalka ah.

 



19 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines