Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Puntland Oo Dhagax-dhigay Terminalka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Badhan.



Fri 21 September 2018.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo habeenkii saddexaad ku sugan magaalada Badhan ayaa galinkii dambe ee maanta dhagax-dhigay terminal garoonka diyaaradaha magaalada Badhan.

Cabdiweli Gaas, waxaa ku wehelinayey dhagax dhigga garoonka diyaaradaha magaalada Badhan ,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda duulista, hawada iyo garoomada Puntland Sucaad Saalax, maayreeyaha garoonka diyaaradaha  Badhan Muuse Aadan Jibriil, maamulka degmada iyo kan gobolka iyo qaar kamida golaha xukuumadda Puntland.

"Waa farxad in maanta halkaan ka dhagax dhigno terminal kii iyo xafiisyadii uu garoonka diyaaradaha ku shaqeen lahaa, garoonkana uu noqdo mid si fiican u shaqeeeya oo xayn daaban lagana ilaaliyo in ay xooluhu soo galaaan, si isku tashiya aan u sameeno Inshaa Allaahna ,waxaan rajeenaynaa waqti aan dheereyn in hawshaasi ay dhammaato." ayuu yiri madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale, wuxuu madaxweynaha Puntland kormeeray xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, iyo Jeelka magaalada Badhan oo dhismihiisu socdo, laguna dhisay iskaa wax u qabso oo ay sameeyeen bulshada magaalada Badhan.



19 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines