Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Astaantii Iyo Magacii Ururka Oromada Ee OPDO Oo la Beddelay.



Fri 21 September 2018.

Shirweynaha xisbiga Dimuqraadiga ee Shacbiga Oromada oo la oran jiray OPDO ayaa wuxuu magaciisa uu u beddelay Xisbiga Dimuqraadiga ee Oromada (ODP).

Dhawr bilood ka hor xisbigu wuxuu sheegay inuu dhawaan uu magaca iyo astaantaba uu beddeli doono si uu xisbigu ula jaanqaado siyaasadda qarniga 21-aad ee dalka iyo dunidaba ka socda.

Waxuuna shirweynuhu doortay 9 xubnood oo guddi fulin ah 55 xubnood oo golaha dhexe ee Xisbiga noqonaya.

Inta uu socday Shirweynaha Xisbigana wuxuu si sharaf leh uu u sagootiyey 14 xubnood oo ka mid ahaa aasaasayaasha Xisbiga oo halgankii dheeraa ee lala galay taliska Darigana ka soo qayb qaatay.

Shirweynuhuna wuxuu ugu dambeynti uu cod buuxa uu ku meel mariyey Magaca iyo Astaanta cusub uu Xisbigu yeelanayo.



15 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines