Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Askari ka Tirsan Ciidamada Puntland Oo Nabadoon Caan ah ku Dilay Gobolka Sanaag.



Fri 21 September 2018.

Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya  in mid ka mid ah ciidamada Booliska degmada Badhan uu rasaas ku furay gaari uu la socday Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Puntland waxana rasaasta ay ku dhacday suldaanka oo markii dambena u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

 

Suldaanka ayaa la sheegay inuu ka yimid degmada Hadaaftinimo waxa uu ku wajahnaa degmada Badhan halkaa uu ku sugnaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Askariga geystey dilka ayaa la sheegay in xabsiga la dhigey iyadoo Madaxweynaha Puntland uu ka tacsiyeeyay dilka Suldaanka.

Allaha u naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa gelinkii dambe ee maanta aas qaran loogu sameeyay qabuuro ku yaal degmada Badhan.

Guud ahaan ammaanka degmada Badhan ayaa aad loo adkeeyay iyadoo shalay lagu qabtay markii ugu horeysay shirka golaha wasiirada maamulka Puntland.

Maamulka Somaliland ayaa cambaareeyay shirka golaha wasiirada ee ay ku qabteen magaalada Badhan iyadoo ku tilmaantay daandaansi.



19 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines