Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowlada Federalka Oo Qaramada Midoobay Laga Gashay Heshiis Lagu Horumarinta Garsoorka Dalka.



Tue 14 August 2018.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN ka u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya kaasoo lagu hormarinayo hanaanka garsoorka dalka.

Peter de Clerq ku xigeenka ergayga UNka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahad celiyay qaar ka mid ah dowladaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay.

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa beesha caalamka iyo qaar ka mid ah deeq bixiyaasha sida Sweden Netherlands iyo midowga Yurub oo door weyn kulahaa barnaamijkan suurta galintiisa hay’ado badan oo UNka ah ayaa ka qayb qaatay sidoo kale balse doorka ugu weyn waxaa leh xafiiska UNka ee Soomaaliya iyo UNDP”ayuu yiri Mr Clerq .

Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka Dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hay’addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa,Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.

“Qorshahaan waxaa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahad celinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geestay UNka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee Unsom iyo UNDP waxaa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hay’addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga,gudiga la dagaalanka musuq maasuqa,Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale “ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS

Sidoo kale wasiirka Cadaaladda ayaa sheegay in ujeedku yahay helida Garsoor hufan oo bulshadu ku kalsoonaan karto, iyadoo ay Dhawaanahaan socotay dadaallo dib u habeyn loogu sameynayo Nidaamka Cadaaladda Dalka, waxaana xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamaddaha iyo Garsoorayaal.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines