Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Somali & kuwa Maraykan Oo Weerar Cir Iyo Dhul-ba ku Qaaday Saldhig Alshabaab ku Lahaayeen Duleedka Balcad.



Tue 14 August 2018.

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo wadajir ah oo ka kooban Kumaandoska Soomaaliya iyo kuwa Mareykankaay ay weerar qorsheysan oo cir iyo dhul ah ku qaaday saldhigyo ay kooxda Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Basra iyo tuulooyin u dhow dhow,degmada Balcad.

Howlgalkan oo bilowday duhurnimadii maanta ayaa lagu qaaday Saldhiga Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Basra iyo degaano kale oo hoos taga degmada Balcad.

Dadka degaanka ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas culus iyo madaafiic halkaasi ka dhaceysa, iyadoo uu jahwareer badan badan ka jiro degaanada la weeraray.

Weerarka ayaa ku bilowday duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyahalaheyn ee Mareykanka, iyadoo dagaal toos ah oo dhinaca dhulka ah ay degaanka Basra ku qaadeen ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Marayanka.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay howlgalkan oo soo gaaray illaa galabnimada xiliga geeska Afrika, iyadoo saraakiisha dhinacyada is haya aysan weli wax war ah ka soo saarin.



45 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines