Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Qiray Tacadi Ay Xukuumadoodu U Geysatay Shacabka.



Tue 14 August 2018.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Xamdi Aadan Cabdi, madaxweyne ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha deegaanka oo shalay ka hadlay shir aqoonyahanada ku lahaayeen magaalada Jig Jiga ayaa qirey in ay tacadiyo ka dhaceen deegaanka.

Wuxuuna yiri "Dhibaato waa ay jirtay deegaanka, maamul xumo way jirtay, waxyaabo badan oo dhibaato ah in ay jirtay oo aan la iska indho tiri karin in ay jirtay halkan waan ka caddaynayaa, dhibaatada dhacday in dhalinyarta Heego ay ku lug lahaydna waa mid aan shaaca ka qaadayno, laakiin in maamulkii xiligaas jiray ay iska cabursanaayeen, dhammaantood waa laga wada warqabaa, aniga ka hoggaamin ahaa dadkii ugu horeeyay ee isbadalka soo dhaweeyay baan ka mid ahaa, waanan sii hirgalin doonaa".



54 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines