Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xaalada Isbitaalka Wayn Ee Magaalada Jigjiga Oo Laga Dayrinayo.



Fri 10 August 2018.

Magaalada Jigjiga ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray koox dhakhaatiir ah oo ka kooban ilaa iyo dhowr iyo toban dhakhtar, kuwaasoo daawayn iyo qaliino bilaash ah ka fulinaya magaaladaasi.

Dr Negaye oo ka mid ah dhakhaatiirta xagga qalliinka safka hore kaga jira dalka Itoobiya ayaa ka dardaar weriyey dawada oo isbitaalka gabaabsi ku ah, iyo shaqaalihii ka shaqayn jiray oo aan soo wada laaban.

Dhaqaatiirta soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa waxaa socdaalka ku wehliyey tiro intaas oo kale ah oo kalkaaliyeyaal ah, iyagoo ka kala socdeen seddex isbitaal oo ku yaalla Addis Ababa oo kala ah Duqur Ambasa Hospital, Police Hospital iyo Yakatit Hospital.

Kooxdaas caafimaadka oo uu hogaaminayey Dr Berhanu Negaye waxay Khamiistii ilaa iyo maanta oo Jimce ah ku sameeyeen ilaa 29 qalliin oo kala duwan isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital ee magaalada Jigjiga, halka ay qiyaastii ku dhawaad ilaa boqol qof oo kale oo dhaawacyo iyo xanuunno qabana daweeyeen.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhakhaatiirtan ayaa ku xeeldheer cilmi nafsiga, oo dadka ka daweeya xanuunnada ka dhasha welwelka iyo isla hadalka, iyagoo dadka ku dhiirri galiyeen inay isbitaalka yimaadaan oo ay ka faa'iidaystaan daryeel caafimaad oo lacag la'aan ah.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa yara dhaanta sidii ay ahayd maalmo ka hor, markaasoo rabshado iyo gacan ka hadal halkaa ka dhacay ay galaafteen nolosha in ka badan 10 qof, hantina ay ku burburtay, halka tiro aad u badan oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.

Rabshadaha ayaa ku faafay deegaanno kale walow ay markii dambe degeen, waxayna horseedeen inuu xukunka ka dego madaxweynihii DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar.

Isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital ayaa ah kan ugu weyn bariga Itoobiya, wuxuuna qayb ka yahay jaamacadda Jigjiga.



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines