Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Puntland Oo Sheegtay Inay IGAD iyo UNSOM ku Fashilmeen Xal U Helida Xiisada ka Taagan Tukaraq.



Fri 10 August 2018.

Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaarin, sida u xaqiijiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay).

Xafiiska urur-gobolleedka IGAD ee Soomaaliya iyo midka Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa isku-dayay in wada-hadal xiisada lugu xalliyo, balse wareysi uu bixiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay inaysan jirin xal wada-hadal oo arrinta laga gaaray.

" Dabeecadayada Puntland ma aha marnaba inan nabad diidno.. laakin nabadgalyo qoor-qabasho ah dadkan asal uma laha dhaqana uma laha wax horey u dhaceyna ma aha, nabad dhab oo qof waliba dalkiisa iyo dadkiisa uu leeyahay ayaan annagu u qaadan karnaa." ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo inta ku daray " IGAD iyo UNSOM waa shaqadooda inay yimaadan hadana baxaan diyaarad qaatan hagana soo noqdaan, waa shirkii labaad .. idin ma oranayo waa fashil, laakin waxaan ku hubaa waxbadan oo la soo kordhiyay inaysan jirin."

Hadalkan madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku soo beehmaya xilli muddo ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo Puntland, waxaana saacad walba taagan wal wal laga qabo inuu halkaas dagaal ka dhaco.



30 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines