Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Liyuu Booliiska Oo Dhaawacay Guddoomiye Ku Xigeenkii Degmada Wajaale.



Fri 10 August 2018.

Wararka Laga Helayo Degmadda Wajaale Qaybta Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Booliiska ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia ay dhaawaceen Guddoomiye Ku Xigeenkii Degmadaasi Maxamed-Khadar.

Ciidamadan oo ku sugan Deegaanka ayaa waxa uu guddoomiye ku xigeenku ku armay in ay iska soo wareejiyaan Gaadiidkii Dawladda oo ay ku jiraan Cagaf-cagafyo iyo Gaadiidka Loo yaqaano Dab Damiska.

Muran ka dhashay dalabkaasi ayaa waxa ay kaga jawaabeen in ay rasaas ku furan Guddoomiye ku xigeenka, iyaga oo halkaasi ku dhaawacay.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa loo dhigay dhaawaca ka soo gaadhay rasaastii ay ciidamada Liyuu Boolisku ku fureen Cusbitaalka, halkaas oo iminka lagu dabiibayo. Xiisad ayaa baryahanba ka taagnayd Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, ka dib markii xilkii laga wareejiyay Madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Gaadiid kala duwan iyo hanti ayaa loo geystay Bililiqo, hasayeeshee xaaladda ayaa marba marka ka danbaysa ku soo noqonaysa caadigii hore.



26 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines