Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maraykanka Oo Cunaqabtayn Hor Leh ku soo Rogtay Dalka Ruushka.



Thu 09 August 2018.

Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabataynno hor leh oo ay saarayso xukuumada Mosco.

Arrintaas ayaana jawaab u ah weerarkii kiimikada neerfaha wax yeesha ee lagu qaaday Sergei Skripal oo ahaa basaas Ruushka u dhashay oo labo dal u shaqaynayay iyo gabadhiisa oo Britain ku nool.

Washinton ayaa sheegtay in Maraykanku uu go’aankaas adag qaatay ka dib markii dawladda Ruushku ay meel uga dhacday qawaaniinta caalamiga ah iyadoo hubka kiimikada ah ama bayolojiga ah u adeegsatay muwaadiniinteeda.

Baareyaal reer Britain ah ayaa sidoo kale Brirain ku eedeeyay in Ruushku uu masuul ka ahaa weerarka loo adeegsaday kiimikada neerfaha waxyeesha, base dawladda Ruushka ayaa diiday in ay ku lug leedahay arrintaas.



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines