Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxwaynaha Jubaland Oo Adis-ababa U Tagay Inuu Raysal Wasaare Abay kala Hadlo Xaalada Cabdi Ilay.



Wed 08 August 2018.

Wararka naga soo gaadhhaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin magaalada Addis ababa oo ay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kala tashanayaan xaaladda dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Warar aan gordhaw helnay waxay sheegayaan in dublumaasiyiin ajaanib ay la xiriireen hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka ee Itoobiya oo ay kala hadleen xaaladda uu ku sugan yahay gobolka soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kal wara lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ee xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu ku xidjam yahay magaalada magaalada Addis ababa.

Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud uu xiran yahay, halka warar kale ay oronayaan in xabsi guri uu ku jiro.

Dhina kale Labo diyaaradeed oo kuwa dagaalka ah ayaa galabta ilaa caawa lagu arkay hawada magaalada Jigjiga, halkaasoo ay ku shirayaan dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta ka tirsan xisbiga talada haya balse lama sheegin arrimaha looga hadlayo kulankaasi.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dadka kasoo jeeda qowmiyadaha kale ee ku sugan gobolka inay u qaxeen dhanka magaalooyinka Harar iyo Addis ababa.

Ciidammada Liyu boolis ee ku sugnaa deegaan u dhaw magaalada Dhagax-buur inay ka baxeen halkaasi ka baxeen oo ay gaareen deegaanka Shilaabo.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines