Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Jawaabta xildhibaanadii saami doonka iyo 4 xal oo khuseeya saami qaybsiga wakiilada!! Dr.khadar-Libaaxley.



Sun 22 July 2018.

Hadraawi gabey uu la haa ayey ka mid aheyd su’aal maalinteed taagan waa lala sara kacaa ; waxa aan ka cudur daaranayaa dibu dhaca aan ka mashquul sanaa maalmo kooban jawaabta iyo fariinta qormadani xambaarsantahay ee ku aadan xildhibaanadii saami doonka ee magaca reer awdal ku hadlaayey ; waayo shakhsiyada iyo damiirka wanaagsan ayey dabcigeeda tahay sheeg-sheegida guulahaaga iyo guul-daradaada intaba , si aad uga baaqsato turjumaada dhaq-dhaqaaq dhinac kaliyaale cadaalada ka fog ah.

 

Waa maxey saami-qaybsi iyo raadinta xaqaaqa dawladu ?

 

Saami-qaybsigu waa hellida xaqa aad u leedahay qaybta aad mudantahay ee ka mid ah dhan walba oo dhismaha qaranka ah , adiga oo ku iibsanaaya ama ku maal-gashanaaya tirada mansabyada , kuraasta ama xillalka aad filleyso in aad hesho xaddiga tirada codadka aad dhiibatay ee guuleystay iyo kharashka aad galisay; sidaa daraadeed saami-doonow saami-qaybsi waxa uu lamid yahay : saami-qaybsi = tirada gobolkaagu ama dadkaagu dhiibtaan ee waliba guuleysata; hadba inta tirada codka aad dhiibatay leegtay ayey goyneysaa inta mansab ama xill iyo fursado ee aad baadi goobeyso.

Somaliland nidaam maamul ahaan waxa ay xullatay nidaamka casriga ah ee dimuqraadiyada oo ah rabitaanta shacabku in uu noqdo halbeega lagu go’aan qaato iyadoo laga duulayo mabaadiida’ iyo miisaanka assaasiga ah ee diinta iyo dhaqanka marka ay noqoto maamul iyo maareyntiisa.

Dimuqraadiyadu waa nidaam aan aqoonin qabiil iyo qabyaalad balse yaqaana bulsho iyo xisbiyo siyaasadeed oo ku mideysan mabda’ ay aaminsanyihiin , aragtiyo iyo afkaaro inta badan mideeya.

Dimuqraadiyadu malaha dhabo mideysan oo la raaco, wadamada aduunku wey kula duwanyihiin nidaam xulashada ku dhisan dimuqraadiyada, waxase marwalba xudun iyo meel godan oo biyo shub ah u ah: tiirka doorashada ee hal-dheeriga ah ( simple majority ) oo sidaa ku hantiya mudo cayiman hogaanka iyo tallada ay meeli leedahay.

 

Xalka saami-qaybsiga kuraasta wakiilada Somaliland:

 

Qof ahaan waxa sax iila muuqda in kaabis iyo waxka badan lagu sameeyo tirada wakiilada, hanaanka xullashadooda iyo xeerarka qaar oo sidan iila muuqda:

 

1. in laga guuro tiradii horey loogaga soo xulay gobol walba ee aheyd tiradii dadweynaha degmooyinka ingiriiska ee 1960 , balse looguuro hab cusub oo ku dhisan tira-koob gobol walba ee la sameeyey iyo diwaan-galinta codbixiyaha doorasho walba ka hor , ku go’aan qaadashada habkan ayaa keeni kara in uu gobol walba iimaansado tirada cod dhiibashada isku diwaangaliya gobol walba oo macnaheedu yahay tirada cod ee gobol walba dhiibto ayuu xill-dhibaano yeelanayaa; habkan ayaa markale markhaati u noqonaya in ugu yaraan aynu ka korney ama muujinaya in tallaabo horey loo qaadey marka loo eego ku go’aan qaadashada tirada siyaasadii 1960.

2. maadaama golaha wakiiladu yahay gole sharci dajin in tiradooda la buuxiyo oo laga dhigo ( 100 , xeer beegti ama 114 inta tirada suuradaha sharciga islaamku ka kooban yahay ) iyada oo tirada oo la kordhiyaa ka dawo tahay yaraanta ama koobnaanta xubnaha soo xaadira kal-fadhiyada oo aad u yar ama kooban marka war-tabiya-yaashu soo duubayaan; sidaa daraadeedna ay ill-qabad ahaan u wanaagsantahay in la kordhiyo tiradooda, iyada oo ay tahay in si siman dhamaan gobolada loogu kordhiyo tirooyin waa faqsan kuwa kor ku xusan.

3. in xildhibaanada gobol walba ay yeeshaan ( codka awooda diidmada= vito power) sababtuna tahay hadii uu yimaado mooshin deegaan gobol ka tirsan ka dhan ah, ama arin farsamo iyo macno ahaan lidi ku ah aragtida xildhibaano, bulsho iyo deegaan ama gobol ka wada tirsan ; waa lagama maarmaan in ay hellaan awood siyaasadeed oo togan taasi oo ay ugu diidi karaan duruuf kasta oo ay wadar ahaan ku qoonsadaan xildhibaano gobol ka wada tirsan , gobol kuu doono ha ahaadee, balse arimaha horumarka dalka khuseeya tahay lama taabtaan.

4. in hubsiimo buuxda oo ka madhan qar iska tuurnimo , xulasho ka dib la qoomameeyo, taasi oo aan ku dhisneyn ( waa hebel oo nin weyn ah lacagna sita kaliya ) waa feejignaan wax ka qabad hore leh in beelaha iyo xisbiyadu mudnaanta siiyaan cida ka turjumi karta dareenkooda, baylahdooda iyo buuxinta god-daloolooyinka wakhtigu sameynayo si looga maarmo kalifaada madax-dhaqameedka in badan madiga ku ahaa hawlihii wakiiladu ay aheyd in u heelanaadaan.

 

 

Eedeyn xaqiiqo ku dhisan oo ay leeyihiin xildhibaanadu:

 

1. xilldhibaanadii saami doonka Awdal ee waliba ku eedaynayey xukuumada maanta joogta, saami-qaybsiga waxa ay xildhibaano ahaayeen ka hor madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka maanta jooga oo shacab aan xill heyn ah , waxa masuuliyad daro weyn ku ah xildhibaanada in aaney diyaarin xeerkii lagaga gud-bi la haa arintaasi ama badeli la haa iyaga laftooda; taasi waxa ay muujinaysaa in aaney diyaar u aheyn baneynta kuraasta ay ku walfeen.

2. xildhibaanada reer awdal inta badan ku caan baxay Aamus iyo af-gaabni ay kula ambadeen masuuliyada ummadii wakiilatay oo khasaare iyo waxba la’aan ka taagan; shaqadoodiina ka maarmi waa iyo baadi waxey ku ag noqotay ( madax-dhaqameed tallo aaduun iyo mid ummadeed ku soo baxsatey) ; nasiib daradu se waxey sii dhacdey xildhibaanadii amuumaha ahaa, oo maalinta ay hadal haleelaana waxa afkooda ka soo baxaa noqday ( saami-doon aaney gartiisa akhrisanin iyo cataabid aan cilmi ku dhisneyn) iyada oo ay ka mudneyd ka hadalka baylahda baahsan iyo tabinta xogta dadkooda haraadku ku hayo xeebaha ee waliba xilliga xagaaga ah ku jira, suura-galna ay tahay in ay barito cod u soo doontaan.

3. waxa nasiib iyo masuuliyad daro weyn in xildhibaanada saami doonka aan gartooda soo akhrisanin, fahmi kari-waayaan jihada dalku u socdo iyo nidaamkiisa, iyaga oo waliba oo waliba itaalka sidaa ku matalaya qayb ahaan siyaasadii u sareysay gobolka, waa laba khasaar iyo wax lala yaabo in macnahooduba ka dhamaan waayo kicin bulsho iyo waraabinta afkaaro cameys ah oo aan cilmi iyo caqli toona ku dhisneyn oo ay u gudbiyaan bulshada tabeysa kaalintoodii ay tahli kariwaayeen ama ay gabeen iyadoo ujeedada biya dhacoodu yahay in ay kuraasta ku sii fadhiyaan, ama ay hellaan fursad kale oo khaayis ah ; balse waxa aan rajeynayaa in aaney soo noqonin cidii mudnaanta mooyee.

 

Gabogabo :

Waxa aan ka raali galinayaa dhagaha cidkasta oo reer Somaliland ah gaar ahaan dhalinyarada gobolka awdal rag iyo dumar ba saameynta dareen togan iyo taben mid yuu haybe ee ka dhashay xildhibaanada walfay ee raad-cada ugu jira markale cugashadood, illaahay waxa aan idiinka rajeynayaa badel kheyr qaba oo aan iyaga aheyn.

Waxa aan aad idiinku boorinayaa fahamka iyo muhiimada tirada codka aad bixisaan in ay la mid tahay = tirada mansabyada iyo wakiilada aad filayso in aad heshaan iyada oo waliba miisaanka iyo habka isku aadka qiyaasuhu macnahooda leeyihiin iyo waliba la xisaabtanka madaxda shacabka shaqaalaha u ah ee codkiina ku shaqa gala; waayo shacabku waa cida kaliya ee cid kasta oo xill ummadeed haysa u shaqeyso.

Bulshooy isma qabaneyso in maalinta codka la dhiibayo aad la seexato codkaaga ama aad si kaleba uga baaqsato cod bixinta adiga oo aaminsan afkaaro guracan , gadaalna aad baadi goobto saami-qaybsi ku baaqsadey hagrashada codkaaga .

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 

 

 

 

 

 



80 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines