Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Obama Oo la Kulmay Odayaasha Somaliyeed Ee Wajeer.



Mon 16 July 2018.

Maxamed Xasan Muumin oo ka tirsan odoyaasha Wajeer, ee waqooyi bari dalka Kenya, kaas oo 2006dii dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed u labisay Barack Obama ayaa doonaya inuu mar kale la kulmo.

Obama oo hadda booqasho ku jooga Kenya, waxaa uu shalay la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, isaga oo kadib sii tagaya goobta aabihii ka soo jeedo ee K’Ogelo.

“Waxaan u duceeyay Mr Obama isaga oo senator ah, waxuu noqday madaxweynaha Mareykanka 2 jeer, hadda waxaan ugu duceynayaa inuu hogaamiyo nabadda caalamka, gaar ahaan dalalka dhibaatadu ka jirto ee Syria, Palestine, Afghanistan, South Sudan iyo Somalia,” sidaas waxaa wargeyska Nation u sheegay Muumin.

Dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Obama uu labistay 2006dii, dadka ka soo horjeeda waxaa ay u adeegsadeen daacayad iyo inuu sida Bin Ladin u labistay.



45 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines