Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mudahaar Rabshado Wata Oo ay Dad ku Dinteen Oo Galabta ka Dhacay Muqdisho.



Thu 12 July 2018.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta mudaraad rabshado wata oo looga soo horjeedo ciidamada AMISOM uu ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho

Mudaharaadka ayaa bilowday kadib markii ay gaari ciidan oo halkaa marayey oo sida la sheegay ay rasaas ka fakatay, iyadoo halkasi ku dishay halqof, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Intii ay dibadbaxyadu socdeen ayaa waxay miino waddada dhinaceeda la geliyey la kacday mid ka mid ah gaadiid ay AMISOM leedahay oo halkaa marayey,waxayna dadka degaanku ay sheegeen in askarta AMISOM qarax kadib ay rasaas fureen,islamarkaasi ay halkaasi ku geeriyoodeen 2 qof iyo dhaawaca ugu yaraan 5 kale.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax dheere, oo isna aan wax ka weydiinnay banaanbaxa iyo khasaaraha shacabka soo gaaray ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Wararku waxay sheegayaan in xaaladdu ay caadi ku soo noqotay galab dhiciiee maanta.



47 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines