Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxwayne Trump Oo Gaadhay London,Bulshada Dalka Ukna Amaanay.



Thu 12 July 2018.

Madaxweyne Trump ayaa gaaray dalka UK, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo seddex maamood ah.

Dayaaradiisa, Airforce 1, ayaa ka degtay garoonka Stansted ee ku yaalla duleedka London, halkaasoo uu ka raacay helicopter u qaadday halka uu deggan yahay safiirka Maraykanka ee bartamaha London.

Inta uu socdaalkiisa ku jiro wuxuu la kulmi doonaa boqorad Elizabeth iyo ra'iisul wasaaradda UK, Theresa May.

Mr Trump ayaan waxba ka soo qaadin mudaaharaadyo qorshaysan oo isaga ka dhan ah, waxaana ku jira mid uu ka dhex muuqdo baambole ilmo ah oo astaamihiisii loo ekaysiiyay.

Madaxwayne Trump oo ka hadlay safarkiisa shaqo ayaa dadka reer UK ku amaanay inay jecel yihiin "aad ayey reer UK ii jecel yihiin".

Sidoo kale madaxwaynaha Maraykanka ayaa  ka soo kicitimay magaalada Brussels halkaas oo uu kulan kula lahaa madaxda NATO.



17 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines