Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dawlada Italy Oo ka Hadasay Tahriibayaal Afduubay Markab kasoo Badbaadiyay Bada Mediterranean.



Thu 12 July 2018.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah tahriibayaal u soo socday qaarada Yurub inay afduubteen markab ka soo badbaadiyay xeebaha Libya.

 

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in ay u afduubteen markabkan si aan dib loogu celin dalka Libya waxaana afduubkan sameeyay labo kamid ah dadkii tahriibayaasha ahaa oo ka soo raacay doon yar xeebaha dalka Libya.

67 ruux oo ahaa tahriibayaal doonayay in ay magangelyo weydiistaan wadamada qaarada Yurub ayaa ugu dambeyn waxaa ay gaareen dalka Talyaaniga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Mr Salvini oo si weyn ugaga  soo horjeeda dadka soo galootiga ah ee ka imanaya qaarada Afrika ayaa sheegay in labada ruux ee ka dambeysay afduubka in la xirey.

Hase yeeshee ma jiro warar faahfaahsan oo dheeraad balse waxaa ay wararka qaar sheegayaan in ciidamo Boolis ah oo hubeysan inay gudaha u galeen markabka.

Labada ruux ee ka dambeysay afduubka ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan dalalka Sudan iyo Ghana. balse lama oga sida laga yeeli doono mustaqbalkooda.



48 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines