Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Guddiyada Dib U Eegista Dastuurka Oo ka Hadlay Gacan Dhaaf Lagu Sameeyay Howlahoodii.



Wed 11 July 2018.

Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee Labadiisa Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in loo gagacn dhaafay shaqadii loo igmaday ee aheyd dib u eegista Dastuurka KMG.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in faragelin lagu haayo howshooda.

Waxaa uu sheegay in aysan heysan waxyaabihii ay ku shaqeyn lahaayeen sida Xukuumaddaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in caqabadaha guddigooda soo wajahay uu qeyb ka yahay arrimo loo baahnaa in wada hadal dheeraad laga galo, kaddib shirkii Baydhabo.

Guddiyada dib u eegista Dastuurka ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in howshooda faragelin lagu haayo, waxaana jiray cabasho horay u soo jeediyeen oo dib loo saxay.



56 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines