Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Juboland Oo Guryaha Aan Sharciyeeysnayn Ee Kismaayo ka Mamnuucay Adeegyada Muhiimka ah Ee Bulshad.



Wed 11 July 2018.

Wareegto kasoo baxday gudiga dhulka Jubbaland ayaa guud ahaan guryaha aan sharciyeysnayn ee magaalada Kismaayo looga mamnuucay helitaanka adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

Warqad kasoo baxday gudiga ayaa lagu amray shirkadaha bixiya adeegyadaasi in ayan siin guryaha aan lahayn sharciga adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

Guryaha adeegyadaasi loo ogolyahay ayaa ah guryaha ay sharciyeeysay dowladdii AUN Max'ed Siyaad Barre, wixii ka danbeeyayna ma uusan jirin nidaam shuruuc u dajiyay guryaha.

Gudiga ayaa sheegay in ay fureen xafiis qaabilsan sharciyeynta guryaha, ayadoo mulkiilayaasha guryaha aaan sharciyeeysnayn lagu amray in ugu danbeyn 10-ka bisha Aug, ee sanadkan ay sharciyeystaan guryahooda.

Magaalada Kismaayo oo xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee dalka ka koobnayd ilaa afar xaafadood ayaa haatan waxaa ay mareeysaa ilaa shan xaafadood oo aad u fiday, ayadoo sidoo kale dhawaan xaafad cusub oo lagu magacaabo "New Kismaayo", laga hirgeliyay duleedka galbeed ee magaalada taa oo ay ku noolyihiin qoysaskii kasoo laabtay xerooyinka Dhadhaab iyo Barakacayaal.

 



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines