Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Jabuuti Oo si Kulul U Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.



Sat 23 June 2018.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Gobolka Geeska Afrika oo si kulul u cambaareeyay isku daygii weerarka ahaa ee lagu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka qeyb galayay banaan bax ballaaran oo ka dhacay Fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa.

 

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in kooxaha ka dambeeyay weerarka ay ahaayeen kuwo ka soo horjeeda is bedeladii horumarada ahaa ee uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee uu ku xoojinayay midnimada qaran ee dalkiisa.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal jaar la ah oo ay wadaagaan xiriir dhaqaale oo istiraatiiji ah, waxaana uu caddeeyay inay ka go’an tahay xasiloonida Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayay qaraxii ka dhacay fagaaraha Meskel ayaa sheegay inuu ahaa isku day aan guuleysan oo ay ka dambeeyeen xoogga aan dooneyn midnimada Itoobiya.

Qaraxa oo ahaa bambaano ayaa dhacay wax yar kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu dhameeyay khudbada, isla markaana fadhiyay, waxaana goobta durba kala cararay Ilaaladiisa gaarka ah.

Illaa iyo hada si rasmi looma xaqiijin cida ka dambeeyay weerarka, hase ahaatee waxaa uu ku soo aaday, xilli Itoobiya ay gashay waa cusub, isla markaana is bedelo badan ay ka dhaceen, tan iyo markii Abiy Ahmed uu talada dalka la wareegay bishii April ee sanadkan.



30 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines