Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo War saxaafadeed ka soo Saaray Dhoofinta Dhuxusha.(Akhriso)



Sat 23 June 2018.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed loogu baaqay inay joojiyaan dhoofinta dhuxusha, isla markaana ciddii ku lug yeelata ay muteysan doonto xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, maadaama dhoofinta dhuxusha loo aqoonsaday fal dambiyeed.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in dhoofinta dhuxusha iyo soo saariddeeda ay saameyn lixaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, nabadgelyada iyo dhaqaalaha, waxaana ay il weyn oo dhaqaale u tahay Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in isagoo kaashanaya dowladaha xubnaha Federaalka uu baaris qoto dheer ku haayo ka ganacsiga dhuxusha sharci darada.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in inkastoo oo Golaha Ammaanka uu mamnuucay dhuxusha, uu hadana suuq muhiim u yahay dhoofinta dhuxusha dalalka Imaaraadka Carabta, Cummaan, Baxreyn, Kuwait iyo Iiraan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa adkeeyay in si buuxda loo fuliyo sharciyada lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha, gaar ahaan qaraaradii ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee ku saabsan mamnuuciyada, dhoofinta iyo dejinta dhuxusha Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta ku wargeliyay hey’adaha amniga Soomaaliya iyo AMISOM inay ku baraarugsanaadaan falalkaas sharci darada, isla markaana ka qeyb qaataan baarista iyo fulinta qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Akhriso War saxaafadeedka:



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines