Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maraykanka Oo Xayiraad Dhinaca Socdaalka Saaray Qaar ka Mid ah Masuuliyiina DR Congo.



Fri 22 June 2018.

Dalka Maraykanka ayaa xayiraad dhanka dal ku galka ah saaray masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax is dabo marin dhanka doorashada ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ma aysan shaacinin dadka ay arrintaas ku bartilmaameedsatay, balse waxay sheegtay in arrintaasi ay muujinayso sida ay uga go'antahay la'dagaallanka musuqmaasuqa iyo taageeridda sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho hufan.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa lagu wadaa in ay qabato doorasho aad dib loogu dhigay si ay shacabku u doortaan ciddii baddali lahayd Joseph Kabila.

Markii labaad una dambaysay ee muddo xileedkiisa ayaa ku ekayd 2016kii, dad badan ayaana uga shakisan in uu isku dayayo in uu xilka sii hayo.



27 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines