Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xukun Dil ah Oo Lagu Fuliyay Sedex Qof Oo Uu ku Jiro Askarigii Kismaayo ku Dilay Xaaskiisa.(Sawiro)

Fri 22 June 2018.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay sedex nin oo ku eedeysnaa in ay magaalada Kismaayo ka geysteen dilal.

G/dhexe Sheekh Max’uud Isxaaq oo kamid ah garsooreyaasha Maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo warbaahinta la hadlay kohor inta aan xukunka la fulin ayaa sheegay in maxkamadda racfaanku ku raacday maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland xukunka ay ku riday ragan, isagoo sheegay in uusan jirin racfaan ay qareennada iyo ehellada eedeeysaneyaasha ay ka qaateen xukunka maxkamadda.

Raggan oo lagu toogtay garoonkii hore ee diyaaradaha ee Akadeemi oo ku yaal waqooyiga magaalada Kismaayo ayaa kala ahaa :Cabdullaahi Asad Ismaacil oo ku eedeeysnaa dilka xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure, C/rashiid Axmed Xasan oo ku eedeysnaa dilka Maxamed Cabdullaahi Xirsi iyo Aadan Cabdi Muumin oo ku eedeysnaa dilka Cawil Colow Xasan, dhammaan raggan ayaa ka kala tirsanaa ciidamada Booliska, Daraawiishta iyo Nabadsugidda Jubbaland.

Sedexda nin ayaa laba kamid ah waxa ay dileen dad shacab ah, halka ninka kale ee lagu magacaabo Aadan Cabdi Muumin oo ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda Jubbaland uu dilay askari kale oo ka tirsanaa isla ciidanka nabadsugidda.

Raggan ay maxkamadda ku fulisay xukunka ayuu kiiskoodu soo maray marxalado kala duwan, ayadoo marar badan ay kasoo hor muuqdeen Maxkamadda, waxaa u danbeeysay todobaadkan oo ay laba kamid ah kazoo hormuuqdeen Maxkamadda ciidamada Qalabka sida, halkaa oo lagu soo bandhigay marqaatiyaal iyo cadeeymo muujinayay kiisaska loo heeysto, waxaana ay maxkamaddu ku riday xukunka maanta lagu fuliyay.

32 Views

Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines