Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Raysal Wasaaraha itoobiya Oo Is Casilaad Ku Hanjabay Iyo Sababta Ku Dhalisay.



Thu 14 June 2018.

Hogaamiyaha mucaaradka ee dal Itoobiya Andargachew Tsege ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayey, ka dib markii uu ra’iisul wasaaraha dalku ku hanjabay inuu is casilayo.

Mr Tsege, oo wax ka aasaasay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Ginbot 7, ayaa muddo 4 sano ah ku qaatay xabsiga gudihiisa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu maleegayey afgambi ka dhan ah xukuumadda Itoobiya, waxaana sanadkii 2009 lagu xukumay dil.

Wixii ka dambeeyey markii la cafiyey bishii May ee sannadkan, ayuu Mr Tsege kulan 90 daqiiqo ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed isaga u soo bandhigay tiro isbeddello ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii April.

Tsege oo haysta baasaboorka Britain ayaa wixii markaa ka dambeeyey dib ula midoobay qoyskiisa oo ku nool London.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines