Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Imaaraadka Carabta Oo Duqeyn ku Bilaabay Magaalo Xeebeedka Xudeydah Ee Dalka Yeman.



Wed 13 June 2018.

Ciidamada Imaaraatiga oo ay wehliyaan kuwa dowlada Yemen iyo maleeshiyaad ayaa saaka oo Arbaca ah bilaabay duulaanka ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Xudeydah oo ay ku taal dekadda ugu weyn ee dalkaasi Yemen.
Ciidamadan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay soo buuxinayey koonfurta magaaladaasi oo ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Imaaraatiga ayaa u qabtay illaa iyo Salaasadii shalay in maleeshiyaadka magaalada ku sugan isku soo dhiibaan ama u baneeyaan dhulkaasi, arrintaasi oo ay qaadaceen xuuthiyiinta oo sheegay inay ku dagaalami doonaan dekadda kaliya ee gacantooda ku jirta.

Xulafada Sacuudiga ayaa doonaya in ay gacanta ku dhigaan dekadda Xudeydah oo ah mid aad u ugu dhaw marinka Bab al-Mandab oo muhiim u ah, waana markii ugu horeysay oo duulaan noocaan ah ku qaadaan magaaladaasi tan iyo intii ay xulafadaasi kusoo biireen dagaalka Yemen sanadkii 2015.

Diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ayaa saaka duqeyn weyn ka geystay goobaha ay difaaca ka sameysteen maleeshiyaadka xuuthiyiinta, duqeyntan oo horudhac u ah ciidamada xulafada ee hada ku sugan duleedka magaaladaasi.

Isbaheysiga Sacuudiga ayaa doonaya inay gebi ahaan jaraan isha dhaqaalaha ee Xuuthiyiinta oo ay dhinac walba ka hareereeyaan xoogaga gacanta ku haya caasimada Sanca, si maleeshiyaadkaasi loogu cadaadiyo inay wadahadal la galaan dowlada Yemen & xulafadooda.



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines