Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Gorod Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.



Wed 13 June 2018.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa maanta gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Genaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah AL-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan qarax ismiidaamin ah lagu weeraray wallow laamaha ammaanka ay sheegeen in ay fashiliyeen.

Gen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Al-shabaab.

Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira xoojinta hawlgalada ay ciidamadu wadaan iyo sidii tababaradooda iyo qalabkooda sare loogu qaadi lahaa.

 



76 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines