Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta Oo Kormeer ku Tagay Xabsi Cusub Oo Laga Hirgaliyay Duleedka Muqdisho.(Sawiro)



Tue 12 June 2018.

Waxaa heer gabo gabo ah maraya dhismaha Xabsi aad u qurux badan iyo sidoo kale Xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka dalka oo laga dhisayo xaruntii hore ee ciidanka Asluubta oo kutaala Duleedka Muqdisho.

Xabsigan oo ah mid aad u weyn ayaa hada dhismihiisu marayaa heer gabo gabo ah, waxaa sidoo kale goobtan laga dhisayaa xafiisyo iyo goobo kale ay ku shaqeeyaan Hay’adaha garsoorka dalka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac , iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa galabta kormeer ku tagay goobta laga dhisayo xabsigan casriga ah.

Taliyaashan ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xabsiga uu dhismuhu ka socdo, waxa ayna soo arkeen qeybaha kala duwan ee xabsigaasi oo la filayo dhisimihiisa in dhawaan lasoo gabo gabeeyo.

Dhismaha Xabsigan ayaa hadii lasoo gabo gabeeyo la filayaa in loo soo wareejiyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhaxe ee Xamar, waxaa sidoo kale dhismahan ku shaqeyn doono Hay’adaha garsoorka dalka.



60 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines