Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Askari Rasaas ku Riday Diyaarad Helicopter Ah Oo Uu Muuse Biixi Ku Tagay Lughaya & Saylac Oo La Xidhay.



Fri 25 May 2018.

Wararka ka imanaya degaanka degmada Saylac ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarad Helicopter ah oo uu shalay ku safrayay Madaxwayne Muuse Biixi lagu rasaaseeyay degaanka Caasha-cado, waqti ay hakaasi soo fadhiisanaysay.

Askari lagu magacaabo Aadan Axmed Cismaan oo lagu naanayso Aadan Weero oo madax ka ahaa taliyaha Turbaraariyada ee rugta kastanka Caasha-cado oo qori kala soo baxay goob waab ah oo uu hurday ayaa dhawr xabo ku riday diyaarada Helicopter-ta ah, waxana ay dad goobjoogayaal ahi sheegayaan in Askarigan uu qoriga kor u riday kadib markii diyaaradaas Helicopterta ah ay dul martay buulkii uu hurday kaasoo dabaysha diyaaradu ku dumisay.
 
Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay askarigii kuna xidhay saldhiga booliska ee Saylac, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga,  ilaa hadana ma cada  sababta askarigan uu rasaasta ula beegsaday diyaarada uu Madaxwayne Muuse Biixi ku safrayay.

Dhinaca kale Taliyaha waaxda Turbataariyada Somaliland Taliye Dhagacade, ayay wararku sheegayaan in uu maanta soogaadhay degaanka Saylac isla maantaba, halkaas oo uu kulano kula leeyahay saraakiisha amniga, kuwa maaliyada iyo madaxda gobolka iyo degmada Sayac, lamana oga waxaka soo baxay kulanayaasi

Askari Aadan Weero ayay  wararku sheegayaan  in maxbuus ahaan loogu qaaday dhinaca CID-da xarunteeda dhexe ee Hargaysa.

Si ka kastaba ha ahaatee Somaliland ayaa waxa dhaqan iska caadi ah noqday in askar ay toogasho ku dilaan taliyayaashooda, waxana uu falkan rasaasaynta ah ee lala beegsaday diyaarad siday madaxwaynahii Somaliland ay ku soo beegmaysaa waqti uu Muuse Biixi magacaabay maxkamad ciidan oo darajo kala saraysa leh, ilaa hadase aan arimahan waxba ka qaban.

 



38 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines