Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

War Deg Deg Ahh Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Soomaaliya oo is casilay



Tue 24 April 2018.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaadhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu isku soo tagay qabasha xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiirka ayaa isku casilay sidii uu ugu tartami lahaa qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka ay sharuud ugu dhigeyn in wasiirkii doonaya in jagadaasi u tartamo marka hore is casilo.

Sida ay sheegeyn qaar ka mid ah guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka waa wasiirkii Afaraad ee isku casila ka qeyb galka doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.

Galinka dambe ee maanta ayaa la soo gaba gabeyn doonaa is-diiwaan gelinta musharaxiinta u tar tamaya Af-hayeenka Golaha Shacabka, taas oo dhici doonto 30 bishaan Abriil.



47 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines