Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

TALIYE KU-XIGEENKII GUUD EE CIIDAMMADA PUNTLAND OO SADDEX SANNADOOD OO UU BILAA MUSHAHAR AHAA, KA DIB ISCASILAY.



Fri 20 April 2018.

Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa waajahaya Xaalad nololeed oo adag, ka dib markii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) uu ka gaabiyey inuu diyaariyo wixii ay xaq u lahaayeen, gaar ahaan Mushaharkooda Billaha ah.

Mushahar la’aanta Ciidammada Milletariga Puntland oo soo taagnayd bilihii u dambeeyay, ayaa Taliye ku-xigeenkii guud ee Ciidammadaasi ku khasabtay inuu iscasilo oo iskaga tago xilka Taliye ku-xigeennimo.

Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Darawiishta Puntland Sareeye Gaas Deyr Xaaji Cabdi oo warbahinta gudaha Puntland la hadlay doraad ayaa ka warbixiyey waxa ku kalifay inuu shaqadda ka tago xilligan ay Ciidammada uu Maamulayey ay duleedka Tuke-raq ee Gobolka Sool ku hor-fadhiyaan kuwa Somaliland oo halkaa ka saaray saddex bilood ka hor.

Taliyhu waxaa uu shaaca ka qaaday in uu shaqada iska casilay markii uu waayey wixii xaquuq ah ee uu xaqa ugu lahaa Xukuumadda Madaxweyne Gaas, markii uu Madaxweynaha Puntland u diray Warqadda Iscasiladdana uu ka aqbalay.

Deyr oo waxaa uu sheegay in aanu helin xuquuqaadka ay ka midka yihiin Mushahar, Gunno, Adeeg & Daryeel muddo saddex sano iyo badh ah “Waxaan xilliyo kala duwan cabashada u gudbinay aniga iyo Taliyaha iga sareeyey Madaxweynaha, nasiib-darro mar kasta waxaa uu nagu qancinayey in aanu dhakhso u helayno xuquuqaadaas oo idil, balse aanay waxba ka hirgelin, waxaanu cabashada iyo caddaymaha mushahar la’aaneed u gudbinay Golaha wakiiladda Puntland oo Iyana aan jawaab waafi ah ilaa hadda naga siin, arrintaa iyo kuwo kale ayaa igu kalifay iscasiladda” ayuu yidhi, Taliye ku-xigeenkii Ciidammada Daraawiishta Puntland Deyr Xaaji Cabdi.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo xilliyo kala duwan ay Warbaahintu waydiisay waxa ka jira cabashada musharaadka ayaa mar kasta sheegayey in aanay jirin cid dowladda u shaqaysa oo mushahar ka maqan yahay ciidan iyo shaqaaleba.

Madaxweyne Gaas, ayaa iscasilaadda Taliye ku-xigeenka Ciidammada Daraawiishta Puntland ka dib, doraad Magacaabay Taliye ku-xigeen cusub, wallow Taliye ku-xigeenkii hore uu Mushahar la’aan awgeed shaqada uga tagay.

Iscasilaadda Taliye ku-xigeenka Ciidammada Puntland, ayaa imanaysa muddo bil laga joogo ka dib, markii sarkaal ka mid ahaa Ciidammada Puntland uu gaadhi iyo hub ula soo goostay dhinaca Somaliland, kaasi oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Somaliland isla-markaana la dallacsiiyey



60 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines