Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ma Dhabaa in Gudoomiye Ku Xigeenkii Kowaad Xisbiga Wadani Shiine Dheere ku Fashilmey Hogaanka Xisbiga Wadani ? Maxaase Xilka Looga Qaadey ?



Tue 10 April 2018.

Ma Dhabaa in Gudoomiye Ku Xigeenkii Kowaad Xisbiga Wadani Shiine Dheere ku Fashilmey Hogaanka Xisbiga Wadani ? Maxaase Xilka Looga Qaadey ?

Shaley galinkii dambe warsaafadeed uu soo saarey gudoomiyaha xisbiga wadani mudane Cabdirahmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdirahmaan Ciro ) oo ku taariikheysnaa 9/04/2018ka waxa uu xilkii kaga qaadey gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbigaaasi Xaaji Abubakar Xuseen Meecaad ( Shiine Dheere ) kaasoo warsaxaafadeedkan lagu sheegey in loo baahan dar dargalin hawlaha xisbiga mucaaridka wadani loona magacaabey siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed ka mid ahaan xisbiga wadani .
gudoomiye ku xigeenkii xilka laga qaadeyna lagu darey hogaanka xisbiga mucaaridka wadani .
Hadaba taariikhdu oo uu maanta ku began tahey 10/04/2018 shir jaraaid oo uu qabtey gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee xilka uu ka gudoomiyaha xisbiga wadani Shiine Dheere waxa uu sheegey .
“ Xilka ka qaadista uu gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdirahmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) igu sameeyey waa mid aan loo dhaneyn oo xubnaha xisbiga iyo gudiga fulinta cid og ayna jirin ee ay tahy mid uu jeebkiisa kala soo baxey xisbigua waa xisbi qaran ,waa xisbi nin uu jeebkiisa ku jiro ka weyn “
Hadalkan ka soo yeedhey gudoomiye ku xigeenkii kowaad xilka laga qaadey ayaa waxa uu khilaaf ka dhex banaanka soo saarayaa in khilaaf ka dhex taagan xisbiga wadani .
Siyaasi Maxamed Adan Suldaan oo ka mida siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka wadani ee gobolka Awdal shir jaraaid oo qabtey maanta waxa uu kaga Hadley xilka qaadista gudoomiye ku xigeenka wadani waxa uu sheegey 
“ Meysan Aheyn in gudidiisii fulintee sare xubintii kali aheyte ku jirtey ee hogaanada xisbiga ku jirta ee titleska haya in aad ka qaado waa iga caajib , waxa ayaan daro ah dhawr title baa isku xiga.
Adigu Gudoomiyihii xisbigaad tahey waxa inaadeerkaaya xogyaha guud ee xisbiga ,waxa inaadeerkaaya Hogaamiyaha Xisbiga ,waxa inaadeerkaaya oo aan isaguna kaa durugsaneyn Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ,Hadii aad gobolo kale aad u bananeyso kuraasta xisbiga aad siineyso kuwiina in aad uga kacdaan bay aheyd ka rer Awdal in aad uga kicisan maaheyn nama qabto “ 
Balse siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku jira xubnaha gudiga fulinta iyo hogaanka xisbiga wadani kama hadal xilka qaadista lagu sameeyey masuulkii ugu sareeyey gudiga fulinta xisbiga wadani ka soo jeedey gobolka Awdal .
Khilaafkan soo kala dhexgaley xubnaha siyaasiyiinta hoogan sare ee xisbiga wadani lama garan karo meel uu salka ku hayo . 
Marka la eego Kaalinta uu xisbiga wadani ku lahaa Gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee xisbiga wadani Shiine Dheere xilka looga qaadey ayaa lagu sababey karaa in kaalin la taaban karo oo uu muuqata ka qaadatey xisbiga wadani marka laga yimaado doorashadii Madaxtooyada Soomaaliland .
Waxana Fagaraha siyaasada iyo xafiiska xisbiga wadanina maaheyn masuul ka soo xaadirey mudadaasi kamana dhex muuqan Kulamada Joogtada hogaan xisbiga wadani ku kulmayaan .

Gudoomiye Ku Xigeenkii xilka laga qaadey Shiine Dheer lagu tilmaamaa masuul aan ka warqabin hawlaha xisbiga wadani .
Talaabooyinka uu qaaadey gudoomiyaha xisbiga wadani ee xilka kaga qaadey G/kixgeenkiisii kowaad Shiine Dheere ayaa waxa uu soo jeedintaa dareenada siyaasiyiinta ku jira xisbiga wadani ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ,Taasoo cee ku ridi karta rajada mustaqbalka xisbiga wadani ,Dhankalena dardargalinta hawlaha xisbiga wadani .

Wariye Xuseen Jaamac Caateeye ( Xuseen Gaafane ) 
Boorama /Awdal

Awdalmedi.com 

Xigasho Golaha91.com
 
LikeShow more reactions


138 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines