Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay lacagtii faraha badneyd ee lagu qabtay Garoonka Muqdisho



Mon 09 April 2018.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa war saxaafadeed ka soo saartay lacag fara badan oo ku jiray illaa saddex boorso, kaasoo shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lacagta la qabtay ay gaareysay 9,6 milyan, isla markaana ay socoto baaritaan ku aadan halka ay ka timid, meesha ay u socotay, cida wadatay iyo dantii laga lahaa.

Lacagta ayaa ku jirtay illaa saddex boorso, waxaana shalay la wareegay ciidamada ammaanka, iyadoo lacagta la geeyay Bankiga Dhexe.

Diyaaradda lacagta keentay ayaa ka timid dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana xilligii la qabanayay ku sugnaa garoonka Diblomaasiyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta oo uu ka mid ahaa Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al Cusmaan.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka

 

 



45 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines