Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Barasaabka Gobolka Awdal Oo Xabsiga U Taxaabay Wariyihii Booramanews Ee Mgalada Boorama.



Mon 19 March 2018.

Ciidamada Booliska ee gobolka Awdal oo ku socda amarka gudoomiyaha Awdal mud. Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa xabsiga dhigay wariyihii shabakada Booramanews Cabdirisaaq Awliyo.

Xadhiga wariyahan ayaa waxa uu salka ku hayaa warar muuqaal ah oo lagu baahiyay shakadaasi kuwaas oo muujinayay badhaasabka Awdal oo makarafoonka ka boobayay muwaadin dareenkiisa ka dhiibanayay madal lagu taageerayay heshiiska Dp world.

Majiraan warar faahfaahsan oo laga helay dhinaca booliska Awdal oo khuseeyay xadhiga wariyahan waxase ilo wareedo ka agdhaw qoyska wariyaha ay shabakada u sheegeen in ciidamada booliska oo haba yaraatee aan wadan wax waaran maxkamadeed ah ay isku gadaameen guriga qoyska wariye cabdirisaaq, kuwaa oo wariyaha ka waayay guriga ayaa waxa ay hooyada dhashay wariyaha ku amreen inay sida ugu dhaqsaha badan ay usoo xidho wiilkeeda,iyadoo u hogaansan amarka booliska ayay xabsiga dhigtay suxufigii ay dhashay.

Sikastaba ha ahaatee waa wariyihii labaad ee uu xabsiga dhigo badhasabka Awdal oo mudo bil aan ka badnayn xil ka hayay Gobolka Awdal.waxana ay tani tilmaamaysaa sida ay usii kala fogaanayaan suxufiyiinta iyo madaxda Awdal ka Arimisa.



192 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines