Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Masuul Faransiis ah Oo loo Maxkamadeeyay Hub Uu si Qarsoodi ah Uga Gudbiyay Qaza.



Mon 19 March 2018.

Masuul Faransiis ah oo ka shaqaynayay qunsuliyadda Qudus ayaa maxkamad lasoo taagay maalintii Isniintii isagoo lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah hub uga gudbiyay Falastiiniyiinta.

Hay'adda Shin Bet oo ka shaqaysa ammaanka Israa'iil ayaa sheegtay in Romain Franck oo 23 jir ah la xiray bishii Feebaraayo,iyadoo Hay'addaasi ku eedeysay in uu adeegsaday gaari dublamaasi si aan loo qabanin marka uu hubka Qaza ka qaadayay ee uu gaynayay Daanta Galbeed.

Franck waxaa lagu eedeeyay in uu 70 biskooladood iyo labo qori gudbiyay. Wuxuuna ka mid yahay sagaal ruux oo laga shakisan yahay arintan kuwaas oo xabsiga loo taxaabay.

Hay'addu waxay sheegtay in uu hubkaas ka helay Falastiini u shaqeeya xarunta dhaqanka Faransiiska ee Qaza ku taalla, uuna usii gudbiyay qof saddexaad oo Daanta Galbeed ku sugan. Shan safar ayuuna hawshaas ku gudbiyay,balse waxay hayadu sheegaty in Franck uu arrintan u sameeyay si shaqsiyan ah islamarkaasina uu lacag uga sameeyo.

"Arrintani waa middii ugu halis badnayd ee dhacda iyadoo lagu xadgudbayo xasaannadda iyo waxyaabaha kale ee lagu sharfay ajaaniibta dalalka kale matalaya ee Israa'iil jooga" ayay hay'addu ku tiri war qoraal ah oo ay arrintan ka soo saartay.

Afhayeen u hadlay safaaradda Faransiiska ee Tel Aviv ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay arrintani si dhab ah uga falcelinayaan ayna si hoose xiriir ula sameeyeen Israa'iil.

Sidoo kale Israa'iil ayaa wakhti dheer isku dayaysay in ay ka hortagto hubka gaaraya malayshiyaadka Falastiiniyiinta ah.



140 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines