Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xildhibaannada Saxiixay Mooshinka ka Dhanka ah Jawaari Oo Kulan ku Yeeshay Muqdisho.(Sawiro)



Mon 19 March 2018.

magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa joogay inta badan golaha Wasiirada xukuumadda ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana ka mid ahaa Wasiirrada ka qeybgalay kan Maaliyada, Amniga, Gadiidka iyo Duulista Hawada, Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xanaannada Xoolaha, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru-dowlayaal.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah cadaadis xoogan oo xildhibaannada ku saarayaan Prof Jawaari in uu xilka isaga tago ka hor inta aan mooshinka loo codeyn.

Xildhibaannada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay guddoomiyaha in uusan xilka isaga dego, madaama sida ay hadalka u dhigeen xildhibaannada saxiixay mooshinka ku dhaw yihiin 200 oo mudane.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeysanaya in loo codeeyo Mooshinka, waxaana uu meesha ka saaray in uu is casilayo.

Waxaa jiray kulan xalay dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari , iyaga oo ka wada hadlay sida loo wajayo xal u helida Mooshinka.



57 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines