Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xildhibaano Laga soo Doortay Koonfur Galbeed Oo Baaq U Diray Gudoomiye Jawaari.



Mon 19 March 2018.

ildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa baaq u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada maanta kulanka ku yeeshay Muqdisho oo gaaraya sodomeeyo ayaa kulankooda uga hadlay  mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadan in ay taageersan yihiin Mooshinka laga keenay Jawaari , waxa ayna ugu baaqeen in uu is casilo si meesha uga baxdo khilaafka Baarlamaanka ka dhax aloosan.

Xildhibaanadan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale beeniyay in Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu gadaal ka riixayo mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa intooda badan saxiixay mooshinka xilka looga tuurayo Jawaari, waxa ayna Xildhibaanadan wadaan abaabul lagu doonayo in xilka looga tuuro Gudoomiyaha Baarlamaanka.



129 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines