Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxa DP World Oo ka Hadashay Caqabadaha ka Heysta Somaliya iyo Jabuuti.



Sun 18 March 2018.

Madaxa Sharikadda DPWorld ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Suldaan Axmed bin Suleymaan ayaa sheegay in caqabadaha ay hadda ka wajaheyso dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya aysan u wanaagsaneyn Qaaradda Afrika beddelkeedana ay halis gelin karto maalgashi lagu sameeyo qaaaradda Afrika.

Waxaa uu sheegay in heshiis la galay dib looga laabto islamarkaana ay dowladda la wareegto iyada oo qaadaneysa hanti dad kale leeyahay ay taas sumcad xumo ku tahay qaaradda.

Waxaa uu sheegay in dowladda Jabuuti uu maxkamad kaga furay Magaalada London isaga oo sheegay in Jabuuti ay si sharci darro ah u burrisay heshiiskii ay wadagaleen ee ay ku maamuleysay Dekadda Dooraale.

Dhinaca Soomaaliya waxaa uu sheegay in mamnuucidda Baarlamaanka ee Sharikaddiisa ay isaga la tahay in aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn maaddaama sida uu yiri Soomaaliya aysan ka talin Berbera.



184 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines