Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Dadwaynaha Ruushka Oo Maanta U Dareeray Goobaha Cod-bixinta Doorashada.



Sun 18 March 2018.

Dadweynaha Ruushka ayaa maanta oo axad ah u dareeray goobaha codbixinta, xili dalkaasi ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada.

Madaxwayne Vladimir Putin oo ka mid ah musharaxiinta doorashada ku tartamaysa ayaa markii afaraaad doonaya inuu qabto xilka madaxtinimada ee Ruushka.

Putin ayaa dalka Ruushka ka talinayay tan iyo sannadii 1999, waxaana uu mar soo noqday rai'sul wasaaraha Ruushka. Natiijada horudhaca ee doorashada ayaa la filayaa inay soo baxdo gelinka dambe ee maalinta axada.

Doorashadan ayaa waxaa ku loolamaya musharixiin gaaraya toddobo uu kamid yahay madaxweyne Putin, ninka bilyandheerka ah ee Pavel Grudinin , Ksenia Sobcha oo ah gabar wariye horey u ahan jirtay iyo Vladimir Zhirinovsky.

Musharaxii ugu cadcadaa mucaaradka, Alexei Navalny, ayaa laga mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashada, ka dib markii lagu helay wax isdabamarin. Alexei Navalny ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxaana uu ku tilmaamay kuwa siyaasadeysan.

Dadka ka faalooda siyaasadda Ruushka ayaa waxaa ay sheegayaan in doorashadani ay u badantahay inuu ku guuleysto madaxweynaha imika talada haya ee Vladimir Putin.



63 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines